Abdisaid’s 5th book, The Rule of Apostasy In Islam, Is it True, written in Somali language, has ignited fierce debate among the dominantly conservative Somali society. The book became widely popular after harsh and threatening condemnation by some fundamentalist Somali clergy who declared the book as heretical and full of infidelity; and who commanded Somalis not read it. Consequently, the book has stirred stagnant water and created debates among Somalis in Social networks and at coffee shops. In this book, Abdisaid argues that Islam encourages freedom of choice and that it does not impose death penalty on apostates. The book also places serious challenges on other confrontational topics such as the equality of bold money for females and males, and the lethally stoning of once-married adulterers. Although the author’s points of views are not popular among the Scholars of the prevailing Islamic jurisprudence, his arguments, nevertheless, rests on solid grounds. He supports his arguments with evidence from Islamic scriptures such as the Quran, Hadith and authentic and prestigious Islamic literature.
Waa buug ka madhan anshaxa gudbinta iyo doodda, mawduuca korka kaga xardhan ee qoruhu doortay in uu ka hadlo iyo mawduucyada kale ee aan xidhiidhka la lahayn ee uu dhurayo waxaa boqol jeer badan mawduucyada aan cilaaqada la lahayn RIDDADA! malaha buuggan waxay ahayd in uu magac kale oo aan XADKA RIDDADA.. ahayn u raadiyo cabdisaciid.
Nusuusta diiniga ahna sidii dookhiisu yahay ayuu kii uu rabona qaadanayaa kii aanu rabinna been abuur iyo wax la sameeyey ku sheegayaa, ma sugayo daliilka uu wato haba yaraatee.
Xanaaq iyo cadho badan ayaa ka muuqata qoraha, waxaad mooddaa in uu cid kale la dagaalsanaa markii uu qorayey buuggan, taasina waxay meesha ka saaraysaa dhadhankii iyo nuxurkii mawduuca oo islaamka dhexdiisa ah mawduuc xaasxaasi ah.
Wuxuu soo waaridayaa waxyaabo aan sal iyo raad toonna lahayn oo u eeg isir nacayb iyo been abuurasho, waxaan la yaabay mar uu doonayey in uu qureysh oo qabiil carbeed ahaa wax ka sheego eedna aan ku lahayn dooddiisa uu yidhi "qureysh reer hunguri badan bay ahaayeen" malaha qoraagu beribuu bariis iyo hilib lasoo cunay oo qadoodi ay ku seexiyeen!
Halkan faallo dheer kagama bixin karno buuggan, wuxuu se u baahanyahay in la naqdiyo naqdi saliim ah oo aslbuukiisa iyo waxa uu xambaarsanyahayba badka soo dhiga.